Mas’uul: Ku dhowaad 250 Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkii Kudhaa
Muqdisho, Soomaaliya — Mas’uul sare ayaa sheegay in tirada dagaalyahannada Al-Shabaab ee lagu dilay weerar fashilmay oo ay ku qaadeen deegaanka xeebta ah ee Kudhaa, gobolka Jubada Hoose, ay gaartay illaa 250, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah khasaarihii ugu weynaa ee kooxda soo gaara bilihii u dambeeyay.
Guddoomiyaha degmada Badhaadhe, Xasan Nuur Cabdi, ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa la-bahwadaagta ah ay khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab kadib markii ay iska caabiyeen weerarkii lagu qaaday Jasiiradda Kudhaa iyo deegaannada ku xeeran.
“Cadowgu wuu na soo weeraray, annaguna si go’aan leh ayaan u jebinnay,” ayuu yiri Cabdi. “Tirada la xaqiijiyay ee Al-Shabaab laga dilay hadda waa 250. Maydad kale weli waa la soo ururinayaa, balse tiradan waa mid la hubiyay.”
Wuxuu sheegay in sideed dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la qabtay intii uu socday dagaalku, isla markaana la burburiyay ugu yaraan siddeed gaari oo dagaal oo ay kooxda lahayd. Khasaarahaas ayuu ku tilmaamay mid aan sahlaneyn in ay kasoo kabato kooxda.
“Khawaariijta halkan waxay kala kulmeen jab culus,” ayuu yiri, isagoo adeegsanaya erey ay mas’uuliyiinta Soomaaliya u adeegsadaan Al-Shabaab. “Ma aaminsani inay si fudud ugu soo laaban karaan deegaannada Jubbaland waqtiga dhow.”
Dagaalka ayaa ka dambeeyay weerar qorsheysan oo Al-Shabaab ku qaadday Kudhaa, kaasoo ay mas’uuliyiintu sheegeen in lagu doonayay in lagu qabsado deegaanka. Ciidamada dowladda, oo ay ku jireen kumaandooska Danab iyo ciidamada Jubbaland, ayaa jawaab celin degdeg ah sameeyay, iyadoo hawlgallada dhulka ay taageero ka heleen saaxiibbo caalami ah.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in hawlgallo daba-gal ah ay weli ka socdaan deegaannada ku dhow si looga hortago in dagaalyahannada ka badbaaday ay dib isu abaabulaan. Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in xaaladda amniga ee Kudhaa ay deggenaatay, isla markaana dadkii barakacay ay bilaabeen inay dib ugu laabtaan guryahooda.
Al-Shabaab weli kama hadlin khasaaraha la sheegay. Kooxda ayaa inta badan qaadda weerarro abaabulan oo ka dhan ah bartilmaameedyo militari oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, balse si dhif ah ayey u qirtaa khasaare baaxaddan leh.
Dagaalka Kudhaa ayaa imanaya xilli ay mas’uuliyiinta Soomaaliya sii xoojinayaan hawlgallada ka socda gobollada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe, iyagoo doonaya inay burburiyaan saldhigyada Al-Shabaab isla markaana sugaan deegaannada xeebaha iyo miyiga muhiimka ah.
GAROWE ONLINE