Mas’uuliyiin ka socda Turkiga oo gaaray Boosaaso xili ay taagan tahay arrinta markabka Sea World

Image

BOOSAASO — Mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa Axaddii gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaas oo lagu hayo markab siday hub iyo gaadiid dagaal oo lagu magacaabo Sea World, sida ay sheegeen saraakiil maxalli ah.

Markabka ayaa laga qabtay xeebaha Raas-Casayr, wuxuuna ka soo shiraacday dekedda Izmir ee dalka Turkiga isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho. Maamulka Puntland ayaa sheegay in markabka uu sito shixnado hub ah, islamarkaana baaritaankiisu socdo.

Wafdiga Turkiga ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Boosaaso, si looga wada hadlo xaaladda markabka iyo cida saxda ah ee iska leh hubka iyo gaadiidka saaran.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ganacsato reer Muqdisho ah iyo safiirka Turkiga ee Muqdisho ay sheegayeen in ay leeyihiin shixnadaha, taas oo dhalisay shaki iyo su’aalo la xiriira sharciyadda hubka iyo ujeeddada loo waday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in hubka uu iyada u socday, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay safaaradda Turkiga oo si cad u qeexaya milkiyadda hubka la qabtay.

Puntland ayaa horey u muujisay walaac ku saabsan hub sharci-darro ah oo la sheegayo in loo soo daabulayo qeybo ka mid ah dalka, xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya maamulkeeda iyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM