Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumada oo helay Xildhibaanimo

Image
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dardar gelinta degaan doorashada deegaanka 2aad

BELEDWAYNE, HirShabelle – Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa markale ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP 032 waxa uu helay 81 Cod sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga SEIT ee maamulka Hirshabelle.

Khaliif oo kursigaan oo saadaalinayay waxaa la tartamay Axmed Cumar Gureey oo helay 10 Cod, waxaa xumaaday 7cod sida uu guddiga sheegay.

Kuraasta kale ee maanta la doortay ayaa kala ah:-

1: Hop#003 waxaa kusoo baxay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

2: Hop#006 waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdullahi Axmed

3: Hop#022 waxaa ku guuleystay Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo).

4:Hop#068 waxaa hantey Maxamed Ibraahim Macallimow oo hada ah afhayeenka xukuumadda

5: Hop252 waxaa ku guuleystay Cabdikariim Cabdow Xeydar

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dardar gelinta degaan doorashada deegaanka 2aad, waxaana 25 kursi ee taalla Magaalada Beledweyne laga doortay lix kursi oo kaliya Maantana laga dooran doono lix kale.

Macalimuu oo isagoo dhaawac ah tartanka u soo istaagay ayaa heysta taageerada shacabka, tan beeshiisa, mida maamulka HirShabeelle, tan bahda saxaafadda, mida hey’adaha sare ee dowladda iyo tan mucaaradka sida ay sheegeen ilo xog ogaal.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa kasoo shaqeeyey dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, cayaaraha iyo saxaafadda, waxuuna dhawaan doortay inuu si siyaasi ah ugu adeego dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM