Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumada oo helay Xildhibaanimo

Image
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dardar gelinta degaan doorashada deegaanka 2aad

BELEDWAYNE, HirShabelle – Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa markale ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP 032 waxa uu helay 81 Cod sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga SEIT ee maamulka Hirshabelle.

Khaliif oo kursigaan oo saadaalinayay waxaa la tartamay Axmed Cumar Gureey oo helay 10 Cod, waxaa xumaaday 7cod sida uu guddiga sheegay.

Kuraasta kale ee maanta la doortay ayaa kala ah:-

1: Hop#003 waxaa kusoo baxay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

2: Hop#006 waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdullahi Axmed

3: Hop#022 waxaa ku guuleystay Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo).

4:Hop#068 waxaa hantey Maxamed Ibraahim Macallimow oo hada ah afhayeenka xukuumadda

5: Hop252 waxaa ku guuleystay Cabdikariim Cabdow Xeydar

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dardar gelinta degaan doorashada deegaanka 2aad, waxaana 25 kursi ee taalla Magaalada Beledweyne laga doortay lix kursi oo kaliya Maantana laga dooran doono lix kale.

Macalimuu oo isagoo dhaawac ah tartanka u soo istaagay ayaa heysta taageerada shacabka, tan beeshiisa, mida maamulka HirShabeelle, tan bahda saxaafadda, mida hey’adaha sare ee dowladda iyo tan mucaaradka sida ay sheegeen ilo xog ogaal.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa kasoo shaqeeyey dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, cayaaraha iyo saxaafadda, waxuuna dhawaan doortay inuu si siyaasi ah ugu adeego dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM