Masar: Mas'uuliyad ayaa naga saaran inaan difaacno Madax-banaanida Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Masar ayaa ku celisay inay mas’uuliyad ka saaran tahay inay Soomaaliya ka ilaaliso gardarada iyo faragelinta dibadda, iyadoo ku doodaysa inay midaasi u ogolaanayso xeerka Qaramada Midoobay.

Masar ayaa ogolaatay in ay ciidan ku biiriso howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) kaas oo bedelaya howlgalka (ATMIS) laga bilaabo January 2025 laakiin codsigaas waxaa ka hortimid Itoobiya oo danaynaysa inaysan Soomaaliya noqon meel looga soo duulo.

Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu taageeray tallaabadii ciidamada ugu soo dirayaan Soomaaliya, taasoo qasabtay in qeybtii ugu horeysay la geeyo dalka ku yaalla Geeska Afrika.

“Waxaa jirta mas’uuliyad Masar ka saaran tahay inay caawiso Soomaaliya iyo inay difaacdo madax-bannaanideeda si waafaqsan sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiirka.

Qaahira ayaa xustay in eedeymaha ah inay Masar u tagtay dano gaar ah dalka Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in shirkii dhawaan ka dhacay Asmara ee ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya lagu soo gebagebeeyey heshiiskaas oo taageero buuxda loogu muujiyay dowladda Xasan Sheekh.

Warsaxaafadeedka waxaa looga hadlay rabitaanka dowladda Soomaaliya ee joogitaanka Masar iyo ka qayb qaadashada ciidamada qalabka sida ee Masar howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Masar ayaa August 2024 heshiis dhanka difaaca la gashay Soomaaliya, kadibna isla bishaas usoo dirtay labo diyaaradood oo military kuwaasoo Muqdisho keenay hub aad u badan, iyadoo ka dambeeyay markab kusoo xirtay dekadda oo isna hub keenay.

Dad badan ayaa aaminsan inay dowladda Xasan Sheekh Soomaaliya lugaha u gelisay colaadda webiga Nile, oo quwadaha Masar iyo Itoobiya isku hayaan, iyadoo Masar hadda billowday inay xiriiro militeri la sameysato Eritrea iyo Soomaaliya si ay cadaadis u saarto Itoobiya, oo uga horistaagto damaceeda inay badda cas gaarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM