Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Image

Muqdisho – Dowladda Masar ayaa bilaawday qorshe lagu saarayo cadaadis milatari Itoobiya, ayada oo adeegsaneysa xiriirkeeda sii xoogeysanaya ee ay la leedahay Soomaaliya. Tani ayaa imaneysa xilli ay Masar ku biireyso Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee AUSSOM, waxaana la filayaa in ciidamo Masri ah la geeyo gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, iyo Gedo.

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku hayay arrinta biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile, taas oo Masar ay u aragto khatar ku ah biyaha ay ku tiirsan tahay. Khilaafkaas ayaa hadda u muuqda mid ku fidaya Geeska Afrika, iyadoo Masar ay sii kordhineyso saameynteeda gobolka.

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland, Masar waxay si buuxda u garab istaagtay mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya. Tani waxay dhabbaha u xaartay iskaashi milatari iyo amni oo ay labada dal kala saxiixdeen, taasoo sahashay in Masar ciidamo u dirto Soomaaliya.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya uu cadaadis siyaasadeed iyo mid milatari ku yahay Itoobiya, gaar ahaan marka la eego xiisadda sii kordheysa ee gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ciidamada Masar ay u joogaan dalka kaliya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo in lagu taageero dadaallada xasilinta.

Waxaa la sugayaa sida Itoobiya uga falcelin doonto arrintan, iyadoo la filayo in xiisadda siyaasadeed ee Geeska Afrika ay sii kululaato bilaha soo socda.

Xiriirka u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sii xumaaday tan iyo markii Itoobiya bilowday buuxinta Biyo-xireenka Weyn ee Renaissance (GERD) oo Masar ay u aragto halis toos ah oo ku wajahan webiga Nile, ilaha biyo ee ugu muhiimsan nolosha Masar.

Khilaafkan biyo ayaa u gudbay dhinacyo siyaasadeed iyo milateri, iyadoo Masar ay xoojinayso iskaashi ay la leedahay dalal deris la ah Itoobiya – taas oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland, ayaa abuuray fursad dahabi ah oo Masar ay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM