Masar oo Diyaarado Dagaal u Direysa Soomaaliya, Loollanka quwadaha Caalamka oo Cirka Isku Shareeray

Image

Qaahira — Warbaahinta gudaha Masar ayaa ku warrantay in Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi, uu qorsheynayo inuu diyaarado dagaal u diro Soomaaliya, tallaabo muujinaysa loollan sii xoogeysanaya oo quwadaha caalamka ay ku hayaan gudaha dalka.

Maalin kahor, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobjoog u ahaa Ciidamo Masar usoo dirayso Soomaaliya, oo dhoolatus ka sameeyay gudaha Masar, iyadoo lagu soo bandhigay goobta gaadiidka dagaalka gaashaaman.

Soomaaliya ayaa hadda u muuqata goob ay si toos ah ugu tartamayaan dalal awood leh, arrintaas oo sare u qaadaysa suurtagalnimada in dalka uu noqdo meel uu ka qarxo dagaal wakiillo (proxy war) ah.

Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo daabulay diyaarado dagaal iyo hub culus, halka Itoobiya ay kumannaan askari ka joogaan gudaha dalka. Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Israa’iil ay daneynayso inay saldhigyo ciidan ka sameysato magaalada Berbera.

Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in is biirsiga arrimahan uu horseedi karo xiisad amni oo ballaaran, taasoo ku fidi karta Soomaaliya iyo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo muhiim u ah ganacsiga iyo amniga caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM