Masar oo ka hor-timid in Soomaaliya bad siiso Itoobiya

Image

QAAHIRA - Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Masar Badr Abdelatty ayaa shaaciyay in aan la aqbali karin in Itoobiya ay lug ku yeelato Badda, maadaama ay ka mid tahay dalalka aan badda lahayn isagoo warkaan ka sheegay shir jaraa'id oo isniintii ay si wadajir ah magaalada Qaahira ugu wada qabteen isaga iyo dhigiisa Soomaaliya.

Kulanka Wasiirada ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarka gobalka, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga wada hadlay heshiiskii Ankara ee ay ku heshiiyeen waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, Wasiir Fiqi ayaana sheegay in dadaaladaan ay horseed u noqdeen in laga hortago in gobalka uu wajaho rabashado kale oo dheeraad ah.

Dhanka kale wasiiradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isla soo hadal qaaday xiisaddii ka dhalatay in Itoobiya ay bilowgii sanadkaan heshiis is afgarad ah la gashay maamulka Soomaaliland, waxaana Wasiir Fiqi uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay madax bannaanida dhuleed ee dalalka deriska wada ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa shirka jaraa'id ka sheegay in sanadka cusub bishiisa 2-aad ay bilaaban doonaan qorshayaal lagu dhameystirayo heshiiska 11-kii bishaan Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo itoobiya.

Ugu danbeyn wasiiradda ayaa soo gabagabeeyay shirkooda jaraa'id waxa ayna soo saareen war-murtiyeed rasmi ah oo ay ku qoranyihiin wixii ay ka wada hadleen, iyagoo xusey inay rajaynayaan in xiriirka labada dal uu gaaro meel sare.

Dowladda Masar ayaan ku qancin heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, waana sababta keentay in Fiqi uu deg deg ku tago magaalada Qaahira, Masar ayaa taageero xoog leh siisay Soomaaliya markii Itoobiya ay heshiis sharci-darro ah la gashay Soomaaliland.

Masar oo la filayo inay Ciidan keento Soomaaliya dhawaan ayaa Itoobiya isku haya webiga Nile biyo-xireenka laga dhisay, iyadoo hadii dowladda Federaalka u ogolaato Addis Ababa inay badda dalka isticmaasho ay keeni karto Qaahira inay diido arintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM