Masar oo saldhigyo Militeri ka dhisanaysa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Masar oo qeyb ka ah Howlgalka AUSSOM ayaa la filayaa inay ka furato Soomaaliya saldhigyo militeri oo si gaar ah ugu tababari doonto Ciidamada dowladda Federaalka, sida uu sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad.

Masar ayaa loo qoondeeyay inay 1,091 askari ku yeelato Howlgalka AUSSOM oo 11,900 askari ka kooban, waxaana jira Ciidamada kale oo ka baxsan howlgalka oo heshiiska difaaca iyo midka amniga ay wada galeen Xasan Sheekh iyo Al-Sisii ku imaanaya dalka.

Masar ayaa sida uu sheegay Cali Balcad, iyada codsatay inay Ciidamo usoo dirto Soomaaliya, xili xiisada ku salaysan webiga Nile kala dhaxeeyo Itoobiya, taasoo abuurtay dareen cabsi leh oo ku saabsan in ay doonayso Soomaaliya inay ka dhigato meel ay ugu duusho Itoobiya.

Wasiiru dowlaha ayaa xaqiijiyay in ciidamada Masar ay qeyb ka noqon dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo la geyn doono saldhigyadii ay ka baxeen ciidamada Burundi, oo diiday inay howlgalka AUSSOM kadib markii ay diiday tirada askarta loo qoondeeyay oo aad uga yarayd mida ay filaysay.

Lama shaacin halka ay Ciidamada Masar saldhigyo ka dhisan doonaan, balse waxaa Muqdisho soo gaarey dhawaan hub iyo agab militeri oo diyaarado iyo markab lagu keenay, waxaana la socday tababariyaal Ciidan iyo khubaro militeri oo qiimeyn ku samayna goobaha la dejin doono Ciidamada Masar.

Itoobiya ayaa difaac ku jirta, oo iska ilaalinaysa inay Ciidamada Masar tagaan xadka ay la leedahay Soomaaliya, waxaana Abiy Axmed kula heshiiyay Xasan Sheekh in Ciidanka Itoobiya sii joogaan dalka, qeybna ka noqdaan AUSSOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM