Masar oo taageero horleh u balanqaaday Dowladda Soomaaliya

Image

QAAHIRA, Masar – Kadib weerarkii mas’uuliyiinta lagu laayey ee xarunta gobolka Banaadir, dowladda Masar ayaa waxay taageero horleh u balanqaaday Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay xukuumadda Qaahira ayaa waxaa lagu sheegay in ay si adag u cambaareyneyso falkaasi.

Xubnaha lagu khaarijiyey dhacdadaasi ayaa isugu jira gudoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal iyo howladeeno.

"Dowladda Masar waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska dhibaneyaasha, waxayna u rajeyneysaa dhaawacyadda soo kabasho degdeg ah," ayay tiri.

Bayaanka oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu xusay in ay Soomaaliya ku garab taagan yihiin ka adkaanshiyaha Al-Shabaab.

"Dowladda Masar waxay ku garab-siineysaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagixiadda," ayay tiri.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo dhacdadaasi qaatay mas’uuliyadeeda ayaa xusay in hadafkooda uu ahaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay.

"Sidoo kale, waxaan dowladda Soomaaliya ka caawineynaa dib u dhiska hay’addood oo xoogan iyo xasiloonida guud ee dalka," ayay raacineysa.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ee Jams Swan ayaa wuxuu ka baxay xafiiska duqa magaaladda Muqdisho saacado kahor inta uusan qaraxu dhicin.

Qaraxii lagu ekeeyay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ayaa dhaliyey su'aalo horleh, kuwaasi oo laamaha ammaanka Soomaaliya la filayo in ay ka jawaaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM