Mas'uul ka tirsan garoonka Aadan Cadde oo shaqada laga eryay [Sabab]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda Favouri oo laga leeyahay dalka Turkiga, taasi oo gacanta ku haysa madaarka Aadan Cadde ayaa lagu waramayaa inay shaqada ka eryday madaxii hagista diyaaradaha ee garoonka caalamiga ah.

Xilka qaadista mas'uulkaan oo lagu magacaabo Farxaan Black ayaa ka dambeysay markii shilal fudud ay ka dhaceen gudaha garoonka, taasoo keentay inay isku dhacaan labo dayuurad.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shaqada ka eryidda Farxaan ay dhalisay inay ka gadoodaan kooxdii isaga la shaqayneysay, kuwaasi oo dhinacooda hakad geliyay howlihii ay ka hayeen garoonka.

Shilalka oo tiro labo jeer ah dhacay ayaa waxa aysan gaysan khasaaro soo kala gaarey diyaaradihii ku lugta yeeshay, kuwaasi oo mid kamid ah ay ku lug-yesheen diyaaradaha caalamiga ah ee garoonka yimaadda.

Maamulka garoonka Aadan Cadde ayaa u xaqiijiyey Warsidaha Garowe Online shaqo ka eryidda Farxaan Black iyo shaqo joojinta ay sameeyeen xubnaha kale, inkasta oo uu diiday inuu fahfaahin ka bixiyo.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kamid ah ilaha dhaqaale oo ay dowladdu ka hesho dakhli lagu qiyaasay Mayaaliin Dollar, kuwaasi oo ka yimaada diyaarado heer caalami ah iyo maxali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM