Mas'uul mar tegay Muqdisho oo laga mamnuucay Mareykanka

Image

KHAAHIRA, Suudaan – Taliyihii sirdoonka Suudaan, Saalax Cabdalla Maxamed [Saalax Ghosh] ayaa laga mamnuucay in uu galo gudaha Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Washington ayaa ku eedeysay sarkaalkan in mudadii uu xilka hayey uu geystay tacadiyo bini’zaadanimo.

"Macluumaadyo lagu kalsoonaan karo waxay muujinayaa in Saalax Ghosh uu geystay jirdil, intii uu xilka hayey," ayuu yiri Mike Pompeo, sida ay kasoo xigatay AFP.

Wasiirka Xiriirka Caalamka ee Mareykanka ayaa wuxuu intaasi raaciyey in sidoo kale xaaska Saalax iyo gabadhiisa aanan laga soo dhaweyn doonin Mareykanka.

"Waxaan kula biireynaa dadka reer Suudaan baadigoobkooda dowlad rayid oo ka duwan taliskii Bashiir," ayuu hoosta ka xariiqay, sida uu ku xusay war-saxaafadeed.

Saalax, oo 27-kii August 2018-kii si qarsoodi ah ku tegay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, ayaa xilkaasi wuxuu iska casilay bishii April ee sanadkan 2019.

Saacadihii uu magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika ku sugnaa oo uu la kulmay mas’uuliyiin sar-sarre, ayaa wuxuu kala xaajoodey arrimo daaha gedaashiisa ku jira.

Is-casilaadaasi ayaa timid laba maalmood kadib markii la afgambiyey Cumar Xasan Al Bashiir taasoo ka dhalatay bilooyin mudaaharaadyo waaweyn ay socdeen.

Ghosh, oo bartay cilmiga Injineeriyadda, ayaa waxaa tan iyo 1998-dii waxa uu si toos ah iyo si dadban uu ugu lug lahaa maamulka hay’adda sirdoonka.

Intii uu ahaa taliyaha hay’adda, taasi oo kasoo bilaabatay 2009-dii, waxa uu ka dhigay hay’adda mid kamid ah kuwa ugu awooda badan maamulkii Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM