Mas'uuliyiinta dowladda federaalka oo laga mamnuucay Jubbaland

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Iyaddoo xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo, Jubbaland ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hakisay wada shaqeyntii iyo isu socodka dowlada federaalka iyo maamulkaasi.

Go'aankan ayaa wuxuu kasoo baxay Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda maamulkaasi, oo uu maanta gudoomiyay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

War-saxaafadeed kulankaasi kasoo baxay ayaa xukuumadda federaalka wuxuu ku eedeeyay "farogelin qaawan oo doorashooyinka Jubbaland ay ku hayso iyo khal-khalgelinta nabad-gelyadda".

Bayaanka ayaa lagu xusay in wasiiradda ay isku raaceen in doorashadda ay waqtigeeda oo ah 24-ka bisha dambe ay ku qabsoontay, amnigana ay sugaan hay'addaha amniga ee dowlad goboleedkaasi.

Mamnuucista mas'uuliyiinta dowladda federaalka ee degaanada Jubbaland ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka ay qaadacday liiska odayaasha soo xulaya Xildhhibaanada cusub.

Dhanka kale, golaha ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta dowladda hoose ee Muqdisho kaasi oo lagu dilay todoba mas'uul laguna dhaawacay xubno uu ku jiro duqa caasimadda.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa shaacisay in hadafka weerarka uu ahaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay kaasi oo dhismaha ka baxay saacado kahor weerarka.

Eng Yariisow iyo madaxda kale ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in dhaawacooda haatan lala tacaalayo, iyadda oo wararka qaar ay tibaaxayan in loo qaadayo dalka dibadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM