Maxaa dhacaya haddii Bitcoin laga aqbalo Soomaaliya?

Image
Kala aragti-duwanaan badan ayaa ka jirta dowladaha caalamka marka ay timaado sharciyeynta Bitcoin.

WASHINGTON, USA – Bitcoin waa nooc lacag sidda Shilinka Soomaaliga. Laakiin si ka duwan Shilinka Soomaaliga, Bitcoin waxa ay u jirtaa qaab dhijitaal (online) ah oo keliya.

Tani waxay ka dhigan tahay in aan loo baahneyn in aad dhigato bangi. Qof kasta oo doonaya in uu ka ganacsado wuu awoodaa. Kaliya waa in uu maalingelin gacanta ku hayaa.

Sida aad arki karto, haddii bitcoin caan ka noqdo Soomaaliya, waxay yeelanaysaa faa'iido iyo khasaare labadaba. Dowladda waxay kala kulmi doontaa caqabado waaweyn.

Afartan qodob ayaan kusoo koobeynaa caqabadaha ay xukuumadda Soomaaliya wajihi karto hadii Bitcoin ay kamid noqoto lacagaha aad looga isticmaalo Soomaaliya.

1: Dawladdu waxay waayi doontaa lacagaha canshuurta ah ee ay ka hesho xawaaladaha. Markaa dawlaDdu waa inay si degdeg ah u mamnuucdaa Bitcoins.

2: Bitcoin waxay khatar ku noqon kartaa Bangiyada Soomaaliyeed, sidaa darteed waa in ay joojiyaan adeeggan ka hor inta aysan dadka Soomaaliyeed isticmaalin.

3: In Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu ka codsado muwaadiniintiisa in ay iska ilaaliyaan Bitcoin; Haddii kale, waxay noqon doontaa wax aan waxtar lahayn.

4: Dawladdu waxay ka faa’iidaysan kartaa nidaamkan iyadoo cashuurta ka ururisa dadka isticmaala Bitcoins sababtoo ah in aysan dabagelin karin nidaamkiisa kala iibsiga.

Kala aragti-duwanaan badan ayaa ka jirta dowladaha caalamka marka ay timaado sharciyeynta Bitcoin. Muqdisho waxay kamid tahay xukuumadaha aan wali shaacin mowqifkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM