Maxaa ka jira Wararka Sheegaya In Safiirka Soomaaliya ee Kenya Dib Loogu Yeeray?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay u yeertay safiirkeeda u fadhiya dalka Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax tallaabo ah oo ku saabsan dib loogu yeerayo danjiraha, isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

"Waxaan caddeyneynaa in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid ku dhisan iskaashi iyo ixtiraam, ayna socdaan hawlaha diblomaasiyadeed ee labada dal si caadi ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, oo Garowe Online ay heshay nuqul kamid ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday warbaahinta iyo dadweynaha inay ka fogaadaan faafinta wararka aan xaqiiqda ku saleysneyn, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay in xogta la xaqiijiyo kahor inta aan la baahin.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ay u gudbisay cabasho rasmi ah dowladda Kenya, taasoo muujinaysa diidmadeeda booqashada hoggaamiyaha Jubbaland.

Diyaarad ka diiwaangashan Kenya ayaa la sheegay inay Axmed Madoobe u qaaday magaalada Nairobi, halkaasoo la sheegay inuu kulan kula yeelanayo mas’uuliyiin Kenyan ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dhacdadan ka dhiidhisay, taasoo muujinaysa xiisadaha weli taagan ee u dhexeeya labada dal.

Bishii Nofeembar 2024, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay khilaafkii siyaasadeed ee kala dhexeeyay Jubbaland, iyadoo soo gudbisay codsi Interpol ah oo ku saabsan in Axmed Madoobe la xiro.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu maraya marxalad wanaagsan, kadib dib u hagaajin dhowaan lagu sameeyay xiriirka labada dal oo muddooyin hore ay jireen khilaafaadyo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM