Maxaa ka taqaan Taariikh Nololeedka Axmed Saleebaan Dafle?

Image

Brussels – Allaha u naxariistee, Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle), ayaa shalay oo ahayd 10-kii Abriil 2025 ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Belgium, isaga oo 88 jir ahaa.

Axmed Saleebaan Dafle wuxuu ahaa sarkaal sare iyo siyaasi si weyn looga yaqaanay Soomaaliya, gaar ahaan xilligii dowladdii milateriga ahayd ee uu hoggaaminayey madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu sidoo kale ahaa soddogga Siyaad Barre.

Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco sanadkii 1937. Waxbarashadiisii hore kadib, wuxuu macallin ka noqday dugsiga Camuud sanadkii 1958. Sanadkii 1971, waxaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NSS), xil muhiim ah oo uu hayey sanado badan, isagoo sidoo kale noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo xubin ka tirsanaa Guddiga Sare ee Siyaasadda.

Dowladdii uu ka tirsanaa Axmed Saleebaan Dafle waxay dalka xukuntay muddo 21 sano ah (1969–1991), iyadoo lagu tilmaamay xukun kaligii-talisnimo ah. Inkasta oo Dafle uu ka tirsanaa dowladdaas, haddana waxaa jiray eedeymo la xiriiray dowladaas xilligii ay talada haysay – balse eedeymahaas si gaar ah looma saarin isaga.

Kadib burburkii xukunkii Siyaad Barre, Axmed Saleebaan Dafle ma gelin wax siyaasadda la xiriira, waxaana uu ahaa odey si weyn u danayn jiray dib u soo kabashada qarankii Soomaaliyeed ee burburey. Inkasta oo uu ka fogaaday masraxa siyaasadda, haddana wuxuu ahaa shaqsi ay dad badan xusuusan jireen doorkiisii dowladeed.

Allaha u naxariisto Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Dafle. Jannatul Firdowsa Allah ha ka waraabiyo.

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM