Maxaa kasoo baxay Shirka Soomaaliya iyo Itoobiya ku yeesheen Ankara?

Image

ANKARA - Kulanka ugu horeeya ee wada-xaajoodyada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo lagu saleynayo Heshiiska Ankara ee la ansixiyay 11kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka dhacay magaalada Ankara, iyadoo martigeliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.

Wada-xaajoodyada waxaa ka qayb galay wafdiyada oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar.

Heshiiska Ankara, oo ay saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa lagu soo bandhigay aragti cusub oo lagu higsanayo mustaqbal dhaqaale iyo amni oo ka wanaagsan, iyadoo uu fududeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Kulanka maanta ee wada-xaajoodyada farsamo, labada dhinac ayaa muujiyeen go’aankooda ku aaddan hirgelinta Heshiiska Ankara si dhab ah, iyagoo bilaabay shaqada dhabta ah ee lagu beddeli doono aragtida cusub ee lagu higsanayo horumar waara oo labada dalba ka faa’iidaysan doonaan.

Labada dhinac waxay si aad ah uga mahadceliyeen taageerada Turkiga ee sii xoojineysa wada shaqeynta, iyagoo sidoo kale diyaar u ah in la qabto kulanka farsamo ee xiga bisha Maarso 2025.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM