Maxaa keenay Is-faham la'aanta Xafiisyada Dowladda Soomaaliya iyo Saxaafadda?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay wadashaqeynta xafiisyada dowladda Soomaaliya iyo warbaahinta madaxa-banaan ee Muqdisho, iyadoo labada dhinac ay is dhaliilayaan.

Suxufiyiin shalay shir jaraa'id ku qabtey Muqdisho ayaa eedeymo u jeediyay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, kadib markii loo diiday in la geeyo goobo laga daah-furayay mashaariic lagu dhisayo wadooyin isku xira Muqdisho iyo Afgooye iyo Jowhar.

Sidoo kale, waxaa jiray shalay sawirro baraha bulshada lasoo dhigay, oo muujinaya labo dhalinyaro ah, oo la sheegay inay yihiin wariyeyaal, oo indha laga xiray, lana jiifiyay wadada Makka Al-Mukarama oo xilligaasi ay u xirnayd ciidamada dowladda.

Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ah agaasimaha warfaafinta Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa raalli gelin buuxda ka bixiyay khaladaadkii shalay dhacay, isagoo balan qaadey in markii uu dalka kusoo laabtana diyaar u yahay inuu xalliyo tabashooyinka ay qabaan suxufiyiinta.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in xafiisyada dowladda ay dhib ku qabaan Live-ka ay wariyeyaasha sameeyeen marka looga yeero barnaamijyo ay qabanayaan madaxda dalka, iyagoo baahiya waxyaabo aan habooneyn.

Wariyeyaasha ayaa lagu eedeeyay inay Taleefonkooda gacanta LIVE ka galaan baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga ugu baahiya muqaallo ka baxsan anshaxa, iyo waxyaabaha ay madaxda uga hadlayaan shirarkooda jaraa'id.

"Wariyaha wuxuu xaq u leeyahay inuu xog helo, oo bulshada wargeliyo laakiin waxaa jira is-faham la'aan ka taagan waxaa laga rabo inuu tebiyo iyo Live-ka Taleefoonka gacanta laga soo galayo, oo bulshada wax lagu marin hababinayo loo gudbiyo," ayuu yiri howlwadeen katirsan dowladda, oo magaciisa ka gaabsaday.

Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta dalka ugu badan ee lagu dhibaateeyo suxufiyiinta, sida lagu sheegay qiimeyn CPJ sameysay, waxaana lagu dilay dalka in ka badan 70 wariye tan iyo 1991-dii.

Ururka Warbaahinta Puntland ee [MAP] iyo suxufiyiin ayaa todobaadkii tagey la kulmay Madaxweyne Saciid Deni iyagoo kala hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yahay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee dowladda iyo Saxaafadda. [Halkan ka akhri warka]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM