Soomaaliya iyo UK oo kawada hadlay dhameystirka dastuurka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Dastuurka xukuumadda federaalka iyo Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa Talaadadii kulan ku yeeshay Muqdisho, caasimadda dalka.

Saalax Jaamac iyo Ben Fender ayaa kulanka ku wehliyey mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan safaarada UK iyo wasaaradda.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in kulanka lagu faaqiday doorka beesha caalamka ee dowlad dhisida Soomaaliya.

"Si gaar ah waxaa loo eegay kaalinta ay UK ka cayaari karto geedi u socodka dowlad dhisida Soomaaliya si gaar ah dib u eegista dastuurka," ayay raacisay.

Axdiga uu haatan dalku leeyahay ayaa wuxuu yahay mid qabyo ah, iyadda ay socdaan dadaalo la doonayo in lagu dhameytiro.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacyadda ay isla soo qaadeen sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka dastuurka kaasi oo haatan la tilmaamayo in uu gaabis ku socdo.

Dastuurka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah kaasi oo illaa iyo haatan dhowr cutubyo oo kamid ah dib u eegis lagu sameeyay ayaa la ansixiyey 2012-kii.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan shaaciyey in maamulkan diyaar u yahay in uu doorkiisa ka cayaaro qabyo tirka dastuurka.

Sikastaba ha ahaatee, dastuurka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegaa in uu yahay midka ugu badan ee dhaqaalo lagu bixiyey marka loo eego dhigiisa caalamka bale aaney wali wax natiijo ah kasoo bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM