Maxaa xilliga doorashadda kordhiyay dilalka qorshaysan?

Image
Amaanka ayaa mar walba qodob xasaasi ah marka la joogo Soomaaliya gaar ahaan xilliga kala guurka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay laba weerar oo Arbacadii dhacay, iyadoo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda labadaba, balse su’aalo ayaa ka dhashay goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay oo dalku doorasho ku jiro.

Sida ay cadeeyeen ilo amaan 6 ruux ayaa ku dhimatay weerar laba nin oo hubeysan ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho oo si weyn loo ilaaliyo. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira muwaadin Soomaali ah iyo shan ajaaniib ah, sida ay booliisku sheegeen.

Labo nin oo hubeysan ayaa waxaa dilay ciidamada ammaanka, sida uu sheegay afhayeenka booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Xasan ayaa sheegay in mid ka mid ah ajaaniibta uu ahaa askari ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Wuxuu sheegay in afar kale ay ahaayeen tababarayaal dowladda Soomaaliya ka caawiya dhanka tababarada qaraxyada.

Afhayeenka booliska ayaa sheegay in laba nin ay soo weerareen iridka ciidamada Marines-ka ee garoonka dayuuradaha gelinkii dambe ee Arbacadii ay "ka hortageen" ciidamada ammaanka.

Garoonka diyaaradaha ayaa ah xarunta ugu weyn ee AMISOM iyo inta badan diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal iyo saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday dhanka bari ee garoonka, halkaasoo dukaamo badan ay ku yaallaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, maadaama loo diiday inuu la hadlo ayaa sheegay in dableyda ay adeegsadeen hubka fudud iyo bambooyinka gacanta laga tuuro. Waxa uu sheegay in ugu yaraan saddex askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay toogteen dhowr qof, islamarkaana ay gubeen dhismayaal. Maleyshiyada waxay dhowr jeer weerartay garoonka tan iyo sanadkii 2009-kii, halkaasi oo ay ku dileen tobaneeyo qof.

Qaraxyo kale oo dhacay Arbacadii ayaa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dhowr qof kale. Qaraxyada ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Aamina Maxamed Cabdi waxa ay u ololaynaysay in dib loogu soo doorto deegaankeeda.

Sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka, qof ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay xildhibaanka, qarax kale ayaa lagu weeraray magaaladda intii uu socday gurmadka dadka waxyeelladu gaaray Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay filayaan in dhimashadu ay korodho.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Gen. Stephen Townsend, oo ah madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa wareysi gaar ah oo uu todobaadkii hore siiyay VOA-da ku sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay “khatarta ugu weyn” ee qaaradda, isla markaana ay ku heshay xorriyad weyn oo ay ku dhaq-dhaqaaqi karaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxa AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in uu tuhunsan yahay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ay hadda awood u leeyihiin in ay weeraraan dadka Mareykanka ah ee ka baxsan Afrika oo uu ku jiro Mareykanka.

Soomaaliya xilliga doorashada waxaa kordha rabshadaha dilaaga ah ee lagu qaado siyaasiyiinta ka arragtida duwan dowladda Faderaalka ah waxaana weeraradaan dhacayaan iyada oo mucaadku ka digayo weeraro qorshaysan oo lagu qaado.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa helay hanjabaadyo shaqsi ah, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, mudane kamid ah baarlamaanka 11aad iyo mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada dalka.

"Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas," ayuu Warsame ku qoray ciwaankiisa shaqsiga ah ee Facebook-ga.

Amaanka ayaa mar walba qodob xasaasi ah marka la joogo Soomaaliya gaar ahaan xilliga kala guurka maadaama dildilaac badan uu hareeyo hay'adaha nabad-gelyadda madaxdana ay ku mashquulaan galaangalka siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM