Maxamed Axmed: Gudoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Banaadir

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saarey ku badalay Yuusuf Xuseen Madaale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Xasan Sheekh ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM