Maxay Erdogan iyo Xasan Sheekh uga wada hadleen kulankooda Ankara?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, xarunta Madaxtooyada dalkaas ee Ankara.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi istiraatiiji ah oo muhiim u ah labada dal, waxayna isla qaateen in la sii ambaqaado dhammaystirka fulinta heshiisyada iyo iskaashiyada wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Erdogan ayaa si qoto dheer uga wada hadlay howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka, iyagoo bogaadiyey miro-dhalka iskaashiga labada dal ee dib u dhiska Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo wiiqidda argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga garab istaagga hagar la’aanta ah ee ay siiyaan Soomaaliya, waxa uuna xusay doorka muuqda ee ay ka qaataan dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo garab istaagga dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweynaha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa tilmaamay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, taageerada farsamada iyo midda bini’aadantinimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM