Maxay qabanaysaa xarunta cusub ee ay ATMIS furtay?

Image
Image
Image
Image
Xarumahani ayaa ciidanka Soomaalida ka caawin kara in ay ka gaashaantaan weerarada gaadmada ah ee Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka nabad illaalinta ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa shaaciyay in ay fureen xarumo dhawr ah oo laga hago hawlgalgalada dalka ka socda ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Sida uu sheegay taliyaha ATMIS, Diomede Ngegeya , xarumahan oo laga furayo dhammaan goobaha u calaamadsan ATMIS ayaa ah kuwa si wada jir ah uga hawlgalayaan ciidamada Afrika iyo kuwa Soomaalida, iyada oo xarumahani ay shaqadooda noqon doonto hagista, isku duba ridka iyo is waafajinta hawlgalada dalka ka socda.

ATMIS ayaa sheegaysa in xarumahani ay ciidamada dowladda u diyaarin doonaan in ay si buuxda ula wareegaan amniga kadib markii ay ciidamadda Midowga Afrika ka baxaan dalka.

Xarumahan ayaa loogu magac daray CONOP, ayaa waxa kale oo shaqadeeda ka mid ah in ay ka warbixiso halista kasoo fool leh Alshabaab iyo dhaqdhaqaaqooda, iyada oo adeegsanayo xogta dayax-gacmeedka iyo xogaha sirdoonka ee la helo.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ku lahayd hawlgalka Hiiraan oo uu sheegay in lagu guuleystay, balse ma cadda waxa ay tahay kaalintaasi.

Harjit Dhindsa waa agaasimaha xafiiska taabbo-gelinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), wuxuu sheegay in ciidamada guuguura ee weerarada baacsiga iyo gaadmada ah sameeya ay aad ugu baahanyihiin xog degdeg ah oo sugan si hawlgalkooda uu u noqdo mid miro dhala.

Xarumahani ayaa ciidanka Soomaalida ka caawin kara in ay ka gaashaantaan weerarada gaadmada ah ee Al-Shabaab ay caanka ku tahay, waa haddii sida saxda ah looga shaqeeysiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM