Maxay salka ku haysaa booqashada Farmaajo ee Marka?

Image

MARKA, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Marka ee ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ee koonfurta dalkaan Geeska Afrika ku yaalla.

Farmaajo ayaa socdaalkiisa oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan dowladda ayaa magaaladdaan dekadda leh kulamo kula qaadan doono Odayaasha dhaqanka, mas'uuliyiinta degmada iyo ciidamada Guutada 14 October.

Madaxwaynaha ayaa kahor inta uusan u socdaalin Marka wuxuu lugta sii mariyay Isgoyska Zoobe, halkaasoo uu kula hadlay boqolaal shacab ah, oo isugu soo baxay xuska sanadkii guuradii koowaad ee weerarkii dhimashada badan sababay.

Amaanka magaalada Marka ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo wadooyinka soo gala la dhigay ciidamo isagu jira Soomaaali iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, cabsi laga qabo inay Al-Shabaab soo weerarto.

Farmaajo ayaa la filayaa in xubnaha uu la kulmo uu kala hadli doono sidii sare loogu qaadi lahaa amaanka, dowladnimadda iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo tuulooyinka ku dhow magaaladani saldhigyo waawayn ku leh.

Waa markii ugu horeysay oo Farmaajo booqdo Marka tan iyo markii la doortay bishii Febraayo ee sanadkii tagey xili uu horey u tagay qaybo kamid ah gobolka, gaar ahaan Afgooye isagoo kulamo kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka madaxwayne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili todobaadkii hore ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay kala qaadaan Beelo muddo ka badan Lix-sano ku dagaalamayey halkaasi, xili ay ku dhinteen Tobbaneeyo ubadan dad Rayid ah.

Magaaladda Marka, oo 100-KM dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan caasimada Muqdisho ayaa xudun u ah dagaal beeleed u dhaxeeya qabiilka deggan magaalada iyo malleeshiyaad horey gobolka u heystay, oo hadda shaati dowladeed soo xirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM