Maxay salka ku haysaa booqashada Farmaajo ee Marka?

Image

MARKA, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Marka ee ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ee koonfurta dalkaan Geeska Afrika ku yaalla.

Farmaajo ayaa socdaalkiisa oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan dowladda ayaa magaaladdaan dekadda leh kulamo kula qaadan doono Odayaasha dhaqanka, mas'uuliyiinta degmada iyo ciidamada Guutada 14 October.

Madaxwaynaha ayaa kahor inta uusan u socdaalin Marka wuxuu lugta sii mariyay Isgoyska Zoobe, halkaasoo uu kula hadlay boqolaal shacab ah, oo isugu soo baxay xuska sanadkii guuradii koowaad ee weerarkii dhimashada badan sababay.

Amaanka magaalada Marka ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo wadooyinka soo gala la dhigay ciidamo isagu jira Soomaaali iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, cabsi laga qabo inay Al-Shabaab soo weerarto.

Farmaajo ayaa la filayaa in xubnaha uu la kulmo uu kala hadli doono sidii sare loogu qaadi lahaa amaanka, dowladnimadda iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo tuulooyinka ku dhow magaaladani saldhigyo waawayn ku leh.

Waa markii ugu horeysay oo Farmaajo booqdo Marka tan iyo markii la doortay bishii Febraayo ee sanadkii tagey xili uu horey u tagay qaybo kamid ah gobolka, gaar ahaan Afgooye isagoo kulamo kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka madaxwayne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili todobaadkii hore ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay kala qaadaan Beelo muddo ka badan Lix-sano ku dagaalamayey halkaasi, xili ay ku dhinteen Tobbaneeyo ubadan dad Rayid ah.

Magaaladda Marka, oo 100-KM dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan caasimada Muqdisho ayaa xudun u ah dagaal beeleed u dhaxeeya qabiilka deggan magaalada iyo malleeshiyaad horey gobolka u heystay, oo hadda shaati dowladeed soo xirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM