Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Image

MUQDISHO — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ee Soomaaliya (NIEC) ayaa maanta ku dhowaaqay isbeddel muhiim ah oo lagu sameeyay jadwalka doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka iyo kuwa deegaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Go’aankan oo daba socda wada-tashiyo ballaaran oo dhacay 25-kii Abriil, 2026, ayaa lagu sheegay in fursad dheeri ah la siiyay xisbiyada siyaasadda si ay u dhammaystiraan diyaarinta liisaska musharrixiinta, iyadoo muddada kama dambaysta ah ee gudbinta codsiyada laga dhigay 5-ta May, 2026.

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid loogu kuur-galayo baahiyada farsamo iyo kuwa siyaasadeed ee ay soo gudbiyeen daneeyayaasha doorashada, si loo xaqiijiyo in geeddi-socodku uu noqdo mid hufan oo ay ka wada muuqdaan dhinacyada kala duwan ee tartamaya.

Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in kordhinta muddadan ay tahay mid muhiim u ah xasilloonida iyo kalsoonida doorashada, iyadoo la raacayo mabaadi'da dimuqraadiyadda ee ku aaddan in muwaadin kasta iyo xisbi kastaaba uu helo waqti ku filan oo uu ku buuxiyo shuruudaha tartanka.

Qoraalka guddiga ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu caddeeyay in wada-hadalladii dhacay dhammaadkii bishan ay fure u ahaayeen gaarista go’aankan oo looga gol-leeyahay in laga fogaado caqabad kasta oo keeni karta dib-u-dhac kale ama madmadow ku yimaada hufnaanta doorashada soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM