Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagey magaalada Addis Ababa.

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

“Waxaan yeelanay wada-hadal miro-dhal ah, annagoo sii waday wadahadalladii sanadkii la soo dhaafay isla markaana ku dhisnay horumarkii la gaaray ee ku aaddanaa xoojinta iskaashiga labada dal,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya yiri.

Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyay in wadahadalkooda uu diiradda saaray horumarinta himilooyinka wadajirka ah iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ku celiyay go’aankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga, nabadda gobolka, iyo horumarka, iyagoo muujiyay sida ay muhiim ugu tahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

Booqashada Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordheen xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, iyo sidoo kale Itoobiya iyo Masar.

Eritrea iyo Masar labaduba waxay taageereen Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay markii ay dagaal diploomaasiyadeed ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo la xiriiray gelitaanka badda. Khilaafkan ayaa waxaa lagu xaliyay dhexdhexaadin uu sameeyay dalka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM