Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Image

Gaalkacyo, Soomaaliya – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa xukun dil ah ku ridday Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu helay dilka Sabiriin Saylaan, gabar 14 jir ah oo ku noolayd gurigeeda.

Xukunka ayaa kasoo baxay kaddib dhageysi dheer oo saacado qaatay, kaas oo si toos ah looga baahiyay baraha bulshada, taas oo sii kordhisay xiisaha iyo caro shacab ee kiiskan ka dhashay.

Maxkamaddu waxay sidoo kale hal sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $500 ku ridday ninkeeda oo 65 jir ah, kaasi oo lagu helay inuu ku lug lahaa kiiska inkastoo uusan si toos ah u fulin dilka.

Hodan oo maxkamadda ka hor sheegtay inaysan dilin Sabiriin ayaa haddana qiratay inay si joogto ah u jirdilaysay gabadha. Balse xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay caddeymo ay maxkamaddu ku qancday oo muujinaya in iyadu si toos ah ugu sabab ahayd dhimashada Sabiriin.

Labada eedeysane ayaa helay hal bil oo ay racfaan ku qaadan karaan, halka qareenka difaaca uu sheegay inuusan ku qanacsanayn xukunka, isla markaana uu horey u gudbiyay racfaan ku saabsan xukunka Hodan.

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

Dilka gabadhan yar ayaa horseeday caro xooggan iyo dibadbaxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo toddobaadkii hore sababay dhimashada hal qof iyo khasaare hantiyadeed oo ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM