Maxkamad soo saartey amar lagu soo beegay safarka Rooble ee UAE

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amar ku bixisay in aan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya laga labixin karin lacagtii Imaaraadka looga qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho April 2018, taasoo gaareysa $9.6 million.

Warqadda Maxkamadda ayaa lasoo saarey waxyar kadib markii Ra'iisul Wasaare Rooble u safray dalka Imaaraadka, oo la sheegay inuu Casumaad aan la ogeyn ujeedkeeda ka helay, isagoo la filayo inuu wadahadallo la yeesho madaxda dalkaasi katirsan Khaliijka.

Rooble ayaa 7-dii bishan sheegay in lacagtaas dib loogu celin doono Imaaraadka, isago ka raali geliyey qabashadda lacagtan, oo NISA qabatay xili dalka lagu soo geliyay diyaarad gaar ah oo Abu Dhabi ka timid, waxaana lagu wadey boorsooyin saddex gaaraya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa sheegay in lacagta aan laga saari karin Bankiga Dhexe, inta laga soo gaba-gabeynayo baaritaanka ku socdo.

Farmaajo ayaa horey ugu amray Gudoomiyaha Bangiga Dhexe inuusan bixin karin lacagta, oo uu sheegay inay si sharci-darro ah kusoo gashay wadanka. Labada mas'uul ayaa ka dhaxeeya dagaal siyaasadeed iyo loolan adag.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM