Maxkamad xukun ku riday sarkaalkii ka tirsanaa Ciidankii Siyaasad Barre

Image

WASHINTONG, US - Maxkamad ku taala gobolka Virgina ee wadanka Mareykanka ayaa xukun lacageed oo magdhow ah waxay garka u gelisay sarkaalkii la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada Maxamed Siyaad Barre.

Yuusuf Cabdi Cali oo ku magac dheer Tuke ayaa lagu xukumay in uu bixiyo 500,000 [Shan boqol oo kun oo dollar-ka Mareykanka] markii lagu helay laba dambi oo lagu oo eedeeyay.

Mr Tuke oo eedeymahaasi geystay isaga oo 17-jir ah, ayaa la tilmaamay in uu ku xad-gudbay Xuquuqda Aadanaha, isla markaana uu jirdil u geystay Maxamuud Taani Warfaa, oo waqoyga Soomaaliya ku noolaa.

Balse maxkamada ayaa Yuusuf waxay ku waysay eedeymo kale oo ah in uu isku dayey dil sharci darro ah oo uu isku dayey in uu kula dhaqaaqo dhibane Maxamuud.

Qareenada difaacayey ayaa sheegay in xukunkaan ay Racfaan ka qaadan doonan, maadaama ay rumeysan yihiin in uusan wax khalad ah sameynin Korneyl Yuusuf.

Waa gal-dacwadeedkii saddexaad oo maxkamadaan oo ay xukun ku rido, maadaama horey ay laba kiisas oo kuwaan lamida ay magdhow tan lamida ugu  go'aamisay.

Sikastaba ha ahaatee, Yuusuf ayaa Mareykanka kaga yimid dhinaca Kanada, halkaasi oo kiiskiisa uu kasoo bilowday, isaga oo soo qabtay shaqooyin ay kamid tahay ilaaliye garoon diyaaradeed.

Intii uu jiray taliskii Maxamed Siyaasad Barre, waxaa la sheegaa in Soomaaliya ay ka dhaceen tacadiyo ka dhan ah bini'aadamka, wallow horumar baaxad leh uu dalku gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM