Maxkamada gobolka Banaadir oo u yeertay lix eedeysane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada gobolka Banaadir ayaa Khamiista maanta ah u yeertay lix eedeysane oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib kuwaasoo ay kamid yihiin Rashiid Cabdi iyo Matt Brydan.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay maxkamada, shaqsiyaadkan ayaa waxaa loo haystaa dacwado la xiriira "faafinta xogaha amniga qaranka iyo sameynta basaasid siyaasadeed".

La-tuhunsaneyaasha ayaa, sida ku xusan warka qoraalka ah, waxaa laga doonayaa in ay maxkamadda hortagaan 29-ka bisha 5aad ee sanadkan 2021 "si ay isaga difaacaan eedaha loo haysto".

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee isugu jirta Radio Muqdisho, SNTV iyo SONNA ayay xeer-beegtaddu fartay in ay laba jeer sii deyso ogeysiiskan.

Eedeysaneyaasha ayaa u shaqeeya Sahan Research, oo ah hay'ad cilmi-baaris madaxbanaan oo daraasad sameysa taasoo fadhigeedu yahay caasimada Kenya ee Nairobi.

Indha-indheeyaasha ayaa waxay rumeysan yihiin in talaabadan ay "siyaasadeysan tahay" isla markaana la doonayo in lagu aamusiyo mucaaradka taliska waqtiga ka dhacay ee Farmaajo.

Bishii December, 2018 ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay dalka ka mamnuucdey hay'adda Sahan Research iyaddoo cusksatay "sababo la xiriira dhanka amniga iyo xasiloonida wadanka".

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa dhankiisa wuxuu December, 21, 2020 uu ku dhawaaqay in uu soo afjaray baarista gal ka dhan ah hay'addana una gudbinayo Maxkamada Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso qoraalka Maxkamada Gobolka Banaadir

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM