Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday askari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada CQS qaybta Galmudug oo dhageysatay dacwad ka dhan ah Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed Tooxoow (Taagane) oo ku eedeysan dilka Marxuum Dable Xoogga Nuurdiin Deeq Maxamed ayaa xukun ku riday ka dib baarista & dhageysiga kiiskaan.

Dilka oo dhacay 16kii December 2021 waxaa tan iyo xiligaas la baarayay kiiska, baarayaal katirsan Maxmakadda Ciidamada Qalabka sida oo qaarkood laga qaaday Muqdisho xog-baaris ay ku sameeyeen kiiskaan dilka ah sida xafiiska xeer ilaalintu ka sheegay fadhiga maxkamadda.

Fadhiga Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay xogaha uu uruuriyay, sababta keentay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed.

“Si kas ah in uu u dilay waxaa kuu caddeyneysa goobtii uu shaqada ka hayay oo uu ka fakaday lagana soo qabtay goob kale, Qalabkii uu lahaa oo uu ku tuuray meel cidlo ah, Marqaatiyaasha ayaa sidoo kale inoo caddeeyay” Sidaasi waxaa yiri Baaraha kiiskaan.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa Maxkamadda kahor dalbaday in Tooxow lagu xukumo ciqaab u dhiganta Dambiga loo heysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in eedeysanaha uu dilay marxuumka kaddib caddeymo iyo marqaatiyaal la hor keenay Maxkamadda.

Xukunka Cabdiraxmaan waxa uu Guddoomiye Cabdullaahi Abuukar ku sheegay in uu yahay 15 sano oo Xabsi ciidan ah iyo bixinta magta (Diyada) Marxuum Nuurdiin Deeq, haddii uusan ku qancin xukunkaan waxa uu heystaa racfaan.

Maxkamadda CQS qaybta Galmudug ayaa mudooyinkii dambe u fadhisay kiisas kala duwan oo intooda badan ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka sida isku dhacyo ka dhacay Dhuusamareeb, Guriceel iyo falal kale ay ku dhaqaaqeen askartaan oo intooda badan Galmudug la geeyay wixii ka dambeeyay October 2021.

Galmudug waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Gor Gor ee ay tababartay dowladda Turkiga waxa ayna si joogto ah dagaal dhimasho sababa u dhex maraa iyada ciidanka booliska oo diiday hub lagu dhexqaato guddaha magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty: Turkiga wuxuu gudaha Soomaaliya ku dilay 23 qof rayid ah

Hay'adan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay dadkan lagu laayay hal duqeyn dhanka cirka ah.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 10:09AM

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM