Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya
ADDIS ABABA — Midowga Afrika ayaa ansixiyey lacag dhan $10 milyan si loo taageero Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo ay sii kordhayaan culeyska amni iyo dhaqaale ee ka jira dalka Soomaaliya.
Xubno badan oo daneeyayaal ah, oo ay ku jirto dowladda Maraykanka, ayaa si weyn hoos ugu dhigay taageerada dhaqaale ee hawlgalkan, taasoo abuurtay farqi dhaqaale oo halis ku noqon kara howlgallada iyo guulihii laga gaaray la-dagaalanka Al-Shabaab.
Shirka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka dhacay Malabo, Equatorial Guinea, ayaa ku meel mariyey lacagtaasi iyadoo laga soo qaaday Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Midowga Afrika, kaasoo loogu talagalay in lagu taageero hawlgallada noocan oo kale ah ee ka socda qaaradda Afrika.
Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo dhammeystay waajibaadkiisii hore sanadkan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.
“Taageeradan ayaa muhiim u ah AUSSOM si ay u fuliyaan waajibaadkooda xilli adag oo dhaqaale iyo amni ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Midowga Afrika, iyadoo sidoo kale lagu baaqay in la kordhiyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee caalamiga ah.
AUSSOM ayaa sanadkan la wareegtay masuuliyadda amniga ee dalka Soomaaliya, hase yeeshee waxaa caqabad ku noqday howlgallada hoos u dhaca dhaqaale ee ka yimid taageerayaasha. Ciidamada ayaa sidoo kale lagu yaraynayaa iyadoo la raacayo Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (STP).
Si kastaba ha ahaatee, dalalka ciidamadu ka yimaadeen ayaa ku adkeysanaya in la kordhiyo tirada ciidamada si wax looga qabto dagaalka sii xoogeysanaya ee Al-Shabaab. Ururka Al-Shabaab ayaa dhowaan qabsaday magaalooyinka Adan Yabaal iyo Moqokori, taasoo dhaawac u geysatay ciidamada Soomaaliya.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada hawlgalkan haddii ay dalalka kale la mid noqdaan taageerada Washington, iyadoo welwel laga muujinayo in kooxaha dagaal oogayaasha ah ay dalka ka qabsan karaan haddii taageerada caalamiga ah istaagto.
GAROWE ONLINE