Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada
MUQDISHO — Guddiga Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka inay dib ugu laabtaan wada-hadallada siyaasadeed, kadib markii saddex maalmood oo shirar ah oo ka dhacay Muqdisho ay kusoo dhammaadeen heshiis la’aan.
Wadahadallada u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socday Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa socday intii u dhexeysay 13-ka ilaa 15-ka May. Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay inuu si dhow ula socday shirka, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay in aan lagu gaarin is-afgarad.
Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah, iyadoo lagu tilmaamay tallaabadaasi mid muhiim u ah danaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulamada ayaa waxaa hoggaaminayay dhinaca dowladda Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, halka mucaaradkana ay matalayeen xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka kala guurka siyaasadeed ee dalka.
Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka fogaadaan mowqifyo adag, isla markaana si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallo loo dhan yahay oo miro-dhal ah.
Guddigu wuxuu sheegay in wada-hadal kasta oo dib loo bilaabo uu ku saleysnaado is-qancin dhab ah, tanaasul wadajir ah iyo in si adag loogu hoggaansamo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa xaqiijiyay inuu sii wadi doono waajibaadkiisa Soomaaliya, oo ay ku jirto howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM.
Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada dhexdhexaadinta ee ay wadaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah, isagoo ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah si loo yareeyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya.
Baaqa Midowga Afrika ayaa kusoo beegmaya iyadoo sidoo kale Qaramada Midoobay ay hore ugu baaqday in dhinacyada Soomaalida ay sii wadaan wada-hadallada kadib markii wareeggii ugu dambeeyay ee shirarka uu ku dhammaaday natiijo la’aan.
Mucaaradka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay waddo isbeddello siyaasadeed oo aan lagu saleyn is-afgarad ballaaran, halka dowladda ay ku adkeysaneyso in dalka uu u gudbo hannaan doorasho oo qof iyo cod ah.
GAROWE ONLINE