Midowga Musharaxiinta oo baaq cusub u diray Rooble

Image
Go'aankii liiska argagixisada looga saarey jabhadda ONLF ayay si weyn u taageereen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta oo war-saxaafadeed cusub soo saarey ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble "in uu u madax-banaanaaddo maamulka doorashooyinka dalka".

Bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale waxaa lagu adkeeyay in xalka xaalada gobolka Hiiraan uu noqdo mid aysan wax saameyn ku yeelan ciidamadda xoogga dalka.

"Golaha wuxuu uga digayaa saraakiisha ciidan ee garabka la ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warka qoraalka ah.

Qoraalka oo ku taariikheysan 24-ka bisha Janaayo, 2022-ka ayaa la raaciyey: "Tabashada reer Hiiraan waa mid u baahan xal siyaasadeed, mana ah in olole doorasho loo adeegsado".

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi uu dhowaan u tagay Beledwayne in uu Muqdisho keeno Jeneraal Xuud kaasoo hormuud u ah kacdoon looga soo horjeedo HirShabelle.

Dhankale, midowga musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go'aanka xukuumadda Rooble ay liiska argagixisadda uga saartey jabhadda ONLF ayna dhiibidii Qalbi-dhagax ugu aqoonsatay "mid sharci darro ah".

Musharaxiinta oo luuqad adag isticmaalay ayaa go'aanka xukuumadda waxay ku qeexeen "mid geesinimo leh oo dib loogu saxay khaladaad siyaasadeed oo meel ka dhac ku ahaa qaranimadda Soomaaliya".

HOOS KA AHRISO QORAALKA MUSHARAXIINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM