Midowga Musharaxiinta oo baaq cusub u diray Rooble

Image
Go'aankii liiska argagixisada looga saarey jabhadda ONLF ayay si weyn u taageereen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta oo war-saxaafadeed cusub soo saarey ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble "in uu u madax-banaanaaddo maamulka doorashooyinka dalka".

Bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale waxaa lagu adkeeyay in xalka xaalada gobolka Hiiraan uu noqdo mid aysan wax saameyn ku yeelan ciidamadda xoogga dalka.

"Golaha wuxuu uga digayaa saraakiisha ciidan ee garabka la ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warka qoraalka ah.

Qoraalka oo ku taariikheysan 24-ka bisha Janaayo, 2022-ka ayaa la raaciyey: "Tabashada reer Hiiraan waa mid u baahan xal siyaasadeed, mana ah in olole doorasho loo adeegsado".

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi uu dhowaan u tagay Beledwayne in uu Muqdisho keeno Jeneraal Xuud kaasoo hormuud u ah kacdoon looga soo horjeedo HirShabelle.

Dhankale, midowga musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go'aanka xukuumadda Rooble ay liiska argagixisadda uga saartey jabhadda ONLF ayna dhiibidii Qalbi-dhagax ugu aqoonsatay "mid sharci darro ah".

Musharaxiinta oo luuqad adag isticmaalay ayaa go'aanka xukuumadda waxay ku qeexeen "mid geesinimo leh oo dib loogu saxay khaladaad siyaasadeed oo meel ka dhac ku ahaa qaranimadda Soomaaliya".

HOOS KA AHRISO QORAALKA MUSHARAXIINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM