Midowga Yurub oo €100 million ugu deeqay dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub, ayaa ku dhawaaqay taageeradii ugu horeysay oo maaliyadeed, taasi oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli madax sare loo xiray dhawaan musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Muqdisho, oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online ayaa laguu shaaciyay in €100-million oo Yuuro, oo u dhiganta 117 Milyan oo dollar siinayaan dowladda Soomaaliya.

Lacagtan oo ah yaboohii dhaqaale ee ugu badnaa, oo Midowga Yurub ku kabayo miisaaniyadda dowladda, ayaa la billaabayaa bishi October ee sannadka 2018, waxayna soconaysaa illaa 2021, sida Midowga Yurub uu sheegaya.

Lacagta ayaa loo marsiinayaa dowladda hay'adaheeda maaliyadeed, sida Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo laga doonayo Villa Somalia xisaab-celin iyo inay si daah-furnaan ku jirto u maamusho lacagtan, lagu kordhinayo miisaanidda dalka.

Bangiga Adduunka [World Bank], ayaa shalay isna sheegay inuu dowladda Federaalka siinayo $60 million, oo deeq dhaqaale ah, taasoo noqonaysa midii ugu horeysay mudo 30 sano ah oo la siiyo Soomaalia.

Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta dalalka ugu musuq-maasuqa badan dunia, sababo la xiriira isla-xisaabtan la'aanta iyo inaysan jirin hay'addo dowli ah, oo awood u leh inay musuqa la dagaalamaan, iyadoo dalka lagu leeyahay balaayiin doollar oo deyn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Horumarinta Garsoorka

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda si weyn loogu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

  • Soomaliya

    01-03-2026

  • 11:45AM

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM