Midowga Yurub oo gudbiyey dalab la xiriira biyaha Soomaaliya

Image
Midowga Yurub wuxuu qorsheeyay inuu kordhiyo cadaadiska Soomaaliya si loo helo ugu yaraan sagaal bilood oo kale.

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya waxaa ka taagan qalalaase siyaasadeed iyadoo ay cirka isku sii shareereyso khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha xukumadda Xilgaarsiinta ah.

Iyadoo doorashada baarlamaanka lagu wado in la soo dhamaystiro 25-ka Febraayo, balse jawiga siyaasadeed ayaa weli ah mid aan la hubin.

Arrintan ayaa keentay in Midowga Yurub uu ka walaaco mustaqbalka howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda ee xeebaha Soomaaliya, halkaasoo Midowga Yurub uu hoggaamiyo howlgalka Atalanta ee ilaalinta badda ee muddada dheer socday.

Bishii hore, UNSC (Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay) - oo kaashanaya dowladda Soomaaliya - waxay u codeeyeen in dhammaan howlgallada ciidamada badda ee caalamiga ah lagu kordhiyo saddex bilood oo dheeri ah.

Kuwaas waxaa ka mid ah Hawlgalka Atalanta, oo sidoo kale loo yaqaan EU NAVFOR Somalia; Ciidanka Wadajirka ah ee Geeska Afrika ee uu hoggaamiyo Maraykanku; iyo Hawlgalka NATO ee Badweynta Shield.

Maaddaama uu waqtigu ku eg yahay bisha March, mid ka mid ah howlgallada badda ee uu saameyn doono ayaa noqon doona EU NAVFOR, kuwaas oo 14-kii sano ee ugu dambeeyay kula dagaallamayay burcad-badeedda biyaha Soomaaliya.

In kasta oo ay si joogto ah hoos ugu dhacayeen weerarrada budhcad-badeedda tan iyo 2011, saraakiisha Midowga Yurub waxay rumaysan yihiin in saddexda bilood ee la kordhiyey aanay ku filnayn in lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, xogta gudaha ee ku jirta warqadda adeegga dibadda ee Midowga Yurub – oo markii ugu horreysay ay soo warisay Kormeeraha EU- ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya aysan ka go’neyn sii wadida howlgallada caalamiga ah ee ciidamada badda ee ka socda burcada xeebaha dalkaan ku yaalla geeska qaarada Afrika.

"Damaceena mustaqbalka ayaa ah kuwo aan mugdi ku jirin oo la shakiyo. Mawqifka cusub ee ku wajahan joogitaanka caalamiga ah waa in lagu arko habka dhaqanka doorashada Soomaaliya ee socota, gaar ahaan kordhinta xiisadaha iyo kala qaybsanaanta doorashada," ayay qoraalkooda ku sheegeen guddiga.

Bishii April ee sanadkii hore, Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharci muran badan dhaliyay oo labo sano oo kale loogu kordhinayo xilka. Talaabadan ayaa keentay in ay isku dhacaan dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka oo dhaliilsan muddo kororsi Farmaajo.

Loolanka siyaasadeed iyo awood yaraan dowladda ayaa qeyb weyn ka qaatay caawinta Al-Shabaab – oo ah maleeshiyo xag-jir ah – si ay fariisimo uga sameystaan dalka.

Khilaafaadka guduhu waxa kale oo uu qayb ka qaadan karaa ogolaanshaha kooxaha burcad-badeeda in ay mar kale ka abuurmaan Geeska Afrika.

Marka la eego qalalaasaha siyaasadeed ee socda, Midowga Yurub wuxuu qorsheeyay inuu kordhiyo cadaadiska Soomaaliya si loo helo ugu yaraan sagaal bilood oo kale.

Waxaa xusid mudan, in madaxda Soomaalidu ay u muuqdaan kuwo doonaya in ay kaalmeeyaan ciidamada badda ee shisheeye hadda ama mustaqbalka si ay diiradda u saaraan iskaashiga si loo xoojiyo Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliya.

Intaa waxaa dheer, dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in howlgalka Atalanta uu si weyn diiradda u saaro kalluumeysiga sharci darrada ah iyo daadinta sunta haddii la doonayo muddo kordhin dheeraad ah.

Waxaa jiray eedeymo maxalli ah oo ku saabsan in EU NAVOR ay xilliyada qaar la kulmaan maraakiibta sida sharci darada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kalluumeysiga ee ka yimaada Yurub.

Haddii qaraarka Qaramada Midoobay uu dhacayo bisha Maarso, markaas Atalanta waxay lumin doontaa saldhigeeda sharci si ay uga shaqeyso xeebaha Soomaaliya. Ka-hortagga burcad-badeedda ka sokow, howlgalku wuxuu ilaalinayaa maraakiibta WFP (Barnaamijka Cunnada Adduunka) ee gargaarka u geysta qaxootiga Soomaaliya.

Midowga Yurub wuxuu ku doodayaa in haddii aan loo ogolaan in ay sii joogaan badda Soomaaliya, ay wiiqi doonto awoodda EU NAVFOR ee hawlaha la dagaallanka burcad-badeedda ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles