Midowga Yurub oo u hanjabay madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa cod dheer wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay si deg-deg ah xal uga gaaraan is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka heer federaal oo qorshuhu ahaa in ay qabsoonto dhamaadka sanadka 2020 iyo dhamaadka 2021-ka.

"Hogaamiyeyaasha Soomaalida waxay u baahan yihiin isu-tanaasul dhabaha u xaara geedi socod doorasho oo deg-deg ah iyo xukun isku-wareejin nabdoon, iyaddoo loo marayo heshiiskii 17-kii September," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Josep Borrell, madaxwayne ku xigeenka EU-da.

Borrell oo sidoo kale ah wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda ayaa ka digay in khilaafka oo sii daba-dheeraada ay waxyeeleyneyso dib-u-qaabeynta lagu sameeyay qaar kamid ah hay’adaha dowladda.

"Heshiis la’aanta haatan jirta waxay si daran u waxyeeleyneysaa dib-u-habeynta loo baahan yahay taasoo khasaaro u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed," ayuu hoosta ka xariiqay 73-sano jir Josep Borrell.

Dhawaqa Midowga Yurub ayaa kusoo hagaagay maalmo kadib markii Golaha Badbaado Qaran uu EU-da ku daray liiska daneeyeyaal kale oo ay u direen qoraal dheer kaasoo ay ku fahfaahiyeen xaaladda dalka wajahayo.

"Is-ceebeyn"

Sidda ku xusan qoraalka uu soo saarey, Borrell ayaa ku waaninaya hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay dhinac iska dhigaan in ay danahooda shaqsiga ah ka horumariyaan masaaxiilda guud kale ee qaranka.

"Marka mudnaanta shaqsiyadeed laga horumariyo danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waxay ceebeeyeen nafsadooda inay metelaan muwaadiniintooda," ayuu hoosta ka xariiqay Borrell.

Wuxuu intaas sii raaciyey: "Kuwii wax u dhimaya wada hadalka ama adeegsanaya rabshadaha waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin waxayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficilladooda".

Bayaanka ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay: "Madaxda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya waa inay sharfaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ma jiro wax beddel ah, geedi socod hal dhinac ah ama aan loo dhameyn ma heli doona taageeradeenna".

War-saxaafadeedka EU-da oo luuqad ahaan ka adag kan saaxiibada kale sidda Qaramada Midoobay ayaa cadaadiska ku kordhinaya madaxda Soomaalida si gaar ah Villa Soomaaliya oo wajaheysa eedeymo in ay kasoo horjeedo xal u helida walaaca amniga iyo ciidanka kahor doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM