Miisaaniyada wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Boliiska oo la meelmariyay

Image
Kulankan waxaa goobjoog ahaa wasiirro ka socday qaar kamid ah dowlad gobolleedyada dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shir ku saabsanaa horumarinta wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Boliiska (Joint Police Programme - Phase 2, JPP2).

Shirka sidoo kale waxaa ka qeyb galay T/xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cabdalla Cabdalla Waxaana diiradda lagu saaray qorshaha sanadka 2025 iyo miisaaniyadiisa, iyadoo si faahfaahsan looga dooday hirgelinta iyo isku-duwidda barnaamijka.

Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu ansixiyay qorshaha sanadeedka Barnaamijka 2025 miisaaniyaddiisa, taasoo qeyb ka noqonaysa dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo tayeynta Booliska Soomaaliyeed si ay uga jawaabaan baahiyaha amni ee bulshada. Iyada oo ay shirka goobjoog ka ahaayeen Wasiirro ka socday qaar kamid ah dowlad gobolleedyada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM