Miisaaniyadda maamul goboleedka Galmudug ee 2025 oo la meelmariyay

Image
Shirkan oo ka dhacay Dhuusomareeb ayaa waxaa guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariya ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Galmudug.

Shirka ayaa ugu horreyn waxaa warbixin loo dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha, oo ka warbixisay amniga guud ee Galmudug iyo Howlgallada lagu sifeynayo Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay si dardar leh uga socda deegaannada Galmudug. 

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo ka warbixisay mashaariic kaabayaal dhaqaale ah oo dhawaan ka billaabanaya Galmudug sida Dekada Hobyo, dhismaha Waddooyinka Caasimadda Galmudug iyo Wadddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Dhusamareb iyo cadaado, dhismaha Xarunta Baarlamaanka oo hada maraya meel gebogebo ah iyo sidoo kale dhismaha Garoonka Caasimadda oo si dardar ah ku socda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta loo qeybiyay nuqullo ka mid ah qabyo qoraalka Sharciga Maalgashiga Shisheeye ee Galmudug.

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda Galmudug 2025 oo sameysay koror ka badan boqolkiiba labaatan iyo Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM