Milatariga oo guulo ka sheegtay guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka dhigeen in howlgal saf ballaaran ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sida ay warisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, howlgaladaas ayaa qeyb ka ah kuwa lagu xaqijinayo ammaanka goobaha loo asteeyay in ay ka qabsoomaan doorashooyinka soo aadan.

Radio Muqdiho, idaacada ku hadasha afka dowladda, ayaa warisay in howlgalkii u dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan ay ciidamaddu ku khaarijiyeen tobban xubnood oo Al-Shabaab ahaa.

"Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ayaa kordhiyey howlgalada ay ka fulinayaan gobolka Hiiraan," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta Raadiyaha oo aan lagu soo bandhigin caddeyn xoojinaya warka.

Taliska milatariga wali ma bixin tafaasiisha howlgalka. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha gacansaarka la leh ururka argagxisada ah ee Al-Qaacida.

Hiiraan oo kamid ah gobolada hoostaga maamul goboleedka HirShabelle ee Soomaalia ayaa muddoyinkii ugu dambeeyay waxaa lasoo warinayey dhaqdhaaqyo ay halkaas ka wadaan kooxda Al-Shbaaab.

Al-Shabaab ayaa aalaba waxay sare u qaadaan falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda mar walba oo ay soo dhawaato doorashooyinka iyaga oo isku daya in ay carqaladeeyaan geedi-socodka nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM