Milatariga Soomaaliya oo "dilay" xubno ka tirsan Al-Shabaab

Image
Ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee guud ahaan dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen todobo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, intii lagu guda jiray howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga  degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada XDS ee howlgalkan hogaaminayay ayaa idaacadda ciidamada u sheegay in lagu dilay howlgalo ay ciidamadu ka sameeyeen 11 tuulo oo ka tirsan maamulka Jubaland.

“Howlgallada ay sameeyeen ciidamada ayaa biyo iyo raashin u qeybiyay qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka,” ayay tiri idaacadda SNA.

Arrintan ayaa timid saacado kadib markii ay ciidamadu dileen saddex ka tirsan kooxda oo uu ku jiro nin is-miidaamiye ahaa, isla markaana ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ka dhacay deegaanka Beer Xaani iyo Gabdhoole oo qiyaastii 40 KM u jira magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka socda guud ahaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo dadaal ugu jira sidii ay u soo dhameystiri lahaayeen doorashada xildhibaanada baarlamaanka kadib markii ay dib u dheceen doorashooyinka dalka.

Al-Shabaab oo ka soo horjeeday hanaanka doorashada ay u socoto ayaa qaaday weeraro is daba joog ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen ergada doorashada, si ay u carqaladeeyaan hanaanka doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM