Milatariga Soomaaliya oo guulo ka sheegtey howlgalo ay sameeyeen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa wuxuu guulo ka sheegtay howlgalo ay ciidamadda ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalada ayaa waxaa la sheegay in ay xoogaga dowladda ku beegsadeen degaano hoos-yimaada Toora-Toorow "kadib xooraan ay ka heleen shacabka".

Saraakiisha ayaa waxaa laga soo xigtay in ay gacanta ku dhigeen degaanadda muhiimka ah ee kala ah; Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mudadii ay socdeen howlgalada ay ciidamada la kulmeen iska hor-imaad kaga yimid dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa ku warameysa in is-rasaaseyntaasi lagu khaarijiyey shan kamid ahaa kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Toora-Toorow, oo dhowaan taliska Mareykank ee Afrika uu shaaca ka qaadey in uu dilay xubno Al-Shabaab ka tirsanaa, ayaa waxaa maamusho kooxdaasi.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsadeen in ay  soo bandhigaan khasaaraha dhankooda kasoo gaarey dagaalka.

Inkasta oo aanan la xaqiijin karin hadii ciidamada ay baaqi kusii ahaanayaa tuulooyinkaasi, haddana la wareegintanka ayaa qeyb ka ah howlgalada mudooyinkii dambe ay wadeen milatariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM