Mucaaradka oo la kulmay Beesha Caalamka – Xiriirka Qoraalka Xasan Sheekh iyo Kulanka?

Image

Muqdisho – Mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa yimid kadib markii mucaaradku, oo u badan madax xilal sare horey uga soo qabtay dalka, uu shir uga soo gebagaboobay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qoraalkii shalay kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa mid uu kaga hortagayey kulanka maanta dhexmaray mucaaradka iyo beesha caalamka, iyadoo qoraalkaas lagu muujiyay diyaar u ahaanshaha Madaxweynaha inuu la kulmo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya.

Xubnaha beesha caalamka ee kulanka ka qeybgalay ayaa u badan wakiillada dalalka taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ku jiraan kuwa garab si toos ah uga siiya Soomaaliya dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo Daacish. 

Xogaha ayaa sidoo kale tilmaamaya in qoraalka Villa Somalia uu ahaa mid lagu doonayay in looga horeeyo wixii dalabyo ah ee ay mucaaradku u bandhigi lahaayeen beesha caalamka islamarkana lagu joojiyo in dalabyo cusub ka soo baxaan dalalkaas. 

Dhowr jeer oo hore, beesha caalamka waxay dalbatay in Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmo kooxaha Soomaaliyeed ee diidan jihada siyaasadeed ee Villa Somalia, hase yeeshee waxaa taa beddelkeeda dhacay kulan uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahiisa la yeesheen maamulada taageersan, waxaana kulankaas laga dhawaaqay xisbi ay ku midoobeen madaxda dowladda Federaalka iyo saddex ka mid ah maamulada, kuwaas oo uu muddo xileedkoodu dhammaaday.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM