Mucaaradka oo la kulmay Beesha Caalamka – Xiriirka Qoraalka Xasan Sheekh iyo Kulanka?

Image

Muqdisho – Mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa yimid kadib markii mucaaradku, oo u badan madax xilal sare horey uga soo qabtay dalka, uu shir uga soo gebagaboobay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qoraalkii shalay kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa mid uu kaga hortagayey kulanka maanta dhexmaray mucaaradka iyo beesha caalamka, iyadoo qoraalkaas lagu muujiyay diyaar u ahaanshaha Madaxweynaha inuu la kulmo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya.

Xubnaha beesha caalamka ee kulanka ka qeybgalay ayaa u badan wakiillada dalalka taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ku jiraan kuwa garab si toos ah uga siiya Soomaaliya dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo Daacish. 

Xogaha ayaa sidoo kale tilmaamaya in qoraalka Villa Somalia uu ahaa mid lagu doonayay in looga horeeyo wixii dalabyo ah ee ay mucaaradku u bandhigi lahaayeen beesha caalamka islamarkana lagu joojiyo in dalabyo cusub ka soo baxaan dalalkaas. 

Dhowr jeer oo hore, beesha caalamka waxay dalbatay in Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmo kooxaha Soomaaliyeed ee diidan jihada siyaasadeed ee Villa Somalia, hase yeeshee waxaa taa beddelkeeda dhacay kulan uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahiisa la yeesheen maamulada taageersan, waxaana kulankaas laga dhawaaqay xisbi ay ku midoobeen madaxda dowladda Federaalka iyo saddex ka mid ah maamulada, kuwaas oo uu muddo xileedkoodu dhammaaday.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM