Mucaaradka: Soomaaliya Waddo Qaldan Bay Ku Socotaa

Image

Muqdisho – Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa markale si adag u dhaleeceeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay inuu abuurayo jawi aan ku habboonayn kobaca iyo xasilloonida dalka, ayna ka luntay kalsoonidii shacabka iyo hogaaminta.

Dalka ayaa wajahaya khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah iyadoo ay sii xoogeysanayaan welwelka laga qabo doorashada 2026, xilli ay sidoo kale sii kordhayaan weerarrada Al-Shabaab oo halis ugu jira inay dalka geliso qalalaase hor leh, inkastoo uu jiro taageero ballaaran oo caalami ah.

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku hawlan yahay isbeddel sharci darro ah oo Dastuurka lagu sameynayo, isla markaana uu si khiyaano ah u beddelayo hannaanka doorashada si uu mar kale ugu guuleysto xilka 2026, isagoo adeegsanaya ciidanka qaranka si uu u hirgeliyo ajandihiisa gaarka ah.

Shariif Sheekh ayaa sidoo kale xukuumadda ku eedeeyay inay boobtay dhul dadweyne oo ku yaalla magaalada Muqdisho, taasoo sababtay iska horimaadyo xooggan oo toddobaadkii hore sababay dhimashada dad badan.

“Taageeradii dhaqaale ee caalamiga ahayd waa la joojiyay, ciidamadii Midowga Afrika waa baxayaan, ciidanka qarankana waa niyad-jab, Al-Shabaab-na waa sii xoogeysanayaan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay Muqdisho xilli xiisadda doorashada 2026 ay cirka isku shareertay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay munaasabad qalin-jabin ah oo ka dhacday magaalada Carmo ayaa sheegay in Puntland u baahan tahay difaac adag maadaama lagu soo xad-gudbay.

“Haddii Soomaaliya burburto, Puntland waa in ay noqotaa tusaale wanaagsan oo dalka laga daawado, lagana dhaxlo badbaado,” ayuu yiri Deni. “Soomaaliya waxa ay maraysaa marxalad adag oo u dhaxaysa dowladnimo iyo qabyaalad isku dhex milmay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khilaaf xooggan kala dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana fashilmay dadaallo lagu doonayay in lagu soo celiyo kalsoonida dhinacyada. Todobaadkii hore, wada-hadal u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka ayaa guul-darro ku dhammaaday kadib markii lagu heshiin waayay hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM