Mucaaradka Turkey oo dalbadey baaris la xiriirta Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ayaa dalbadey in baarlamaanka dalkaas uu baaritaan ku sameeyo eedeymo loo jeediyey shirkad kamid ah qandaraasleyda gacansaarka dhow la leh madaxwayne Recep Erdogan.

Codsiga uu xisbiga CPH gudbiyey ayaa ka dambeeyay markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan in SADAT International Defense Consultancy ay maleyshiyaad ku tababarto dalka Suuriya.

Sida lagu sheegay qoraal uu xisbiga u diray baarlamaanka, SADAT ayaa la tuhunsan yahay in ay taageero sahay, qalab iyo tababar ay u fidiso dagaalameyaasha Jabhadda Al-Nusra Front.

Unal Cevikoz, guddoomiye ku xigeenka CPH ee Istanbul oo gudbiyey qoraalka, ayaa tibaaxay in talaabooyinka SADAT ay xadgudub ku leeyihiin shuruucda caalamka iyo kuwa UN.

Cevikoz ayaa intaas ku daray in ay doonayaan in baaritaanka uu qeyb ka noqdo haddii SADAT ay howlo tababar ciidamo ka fuliso wadamadda Soomaaliya, Liibya iyo waddanka Suuriya.

"Dhamaan su’aallaha ku geedaaman howlgalada milatari ee SADAT waa kuwa aan wali laga jawaabin," ayuu tibaaxay.

Ankara ayaa duleedka Koonfur Galbeed ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxay ka dhistay saldhig weyn oo ciidan kaasoo ay ku tababarto ciidamadda maxaliga ah.

SADAT International Defense Consultancy oo 2012 uu aas-aasayy Adnan Tanriverdi, jeneraal howlgab ah iyo lataliyihii Erdogan ee arrimaha milatariga 2016 illaa 2018-kii, ayaa bixisa talooyin dhanka istaariijiyada iyo taageerada xoojinta ciidanka.

Shirkadan waxaa u shaqeeya 50 iyo 200 saraakiil ka fariistay shaqooyin gaar ah oo kala duwan, waxaana lagu waramay in badankooda looga ruqseeyay waajibaadka ciidanimo sababo la xiriira daacadnimadooda Diinta suuban ee Islaamka.

Eedeymaha ka dhanka ah SADAT ayaanan ahayn kuwa cusub. 2018-kii, mucaaradka Turkiga wuxuu sheegay in ay howlgalo ka baxsan shaqooyinkeeda kawado wadamo ay kamid tahay Suuriya. Balse, eedaas waxaa looga jawaabay aamusnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM