Mudane taabacsan Trump oo wajahaya fadeexad soo shaacbaxdey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga anshaxa ee koongareeska Mareykanka ayaa furay baaritaan ku saabsan eedeyo ka dhan ah sharci-dejiye Matt Gaetz, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee waddanka USA.

Sheegashooyinka ayaa xiriira in uu cilaaqaad aan habooneyn uu la yeeshay gabar dhalinyaro ah isla markaana uu jebiyey sharciyada la hal-maala qaadashadda hadiyadaha.

Bayaan Jimcihii kasoo baxay guddiga ayaa lagu xusay inay eegi doonaan warbixinada dadweynaha ee ah in Gaetz "laga yaabo inuu ku kacay tacadi jinsi" iyo "isticmaalka daroogada sharci darrada ah".

Gaetz, oo 38 jir ah, isla markaana ah nin caan ka ah xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynihii hore Mareykanka ee Donald Trump, ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Mudanaha oo gal-dacwadkiisa si rasmi ah looga furay xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Mareykanka ayaa si xooggan u diiday inuu is casilo maadaama uu wajahaya fadeexad soo shaac baxday.

Dacwad oogayaasha federaalka ee gobolka uu Gaetz kasoo jeedo ee gobolka Florida ayaa baarey eedeymaha la xiriira ka ganacsiga galmada ee ka dhanka ah Joel Greenberg, oo ah canshuur uruuriye maxali ah saaxiib siyaasadeedna la ah Gaetz.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, Xeer-ilaaliyeyaashu waxay baarayaan in Gaetz iyo Greenberg ay si wadajir ah u bixiyeen ama hadiyado u siiyeen gabdhaha aan qaan-gaarka ahayn si ay ugu galmoodaan.

Greenberg waxaa  laga yaabaa inuu ku dhow-yahay inuu galo heshiis dambi qirasho ah lana saxiixdo mas'uuliyiinta iyadoo lagu badalayo in uu ku markhaati ku furo Gaetz taasoo kiiska weji cusub u yeelaysa kiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM