Muddo kordhin loo sameeyay howlgalka AMISOM

Image

NEW YORK, USA – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Khamiista todobaadkii hore wuxuu muddo kordhin u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kaasoo la aas-aasay sanadka markii uu ahaa 2007-dii.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska UK ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, dhamaan wadamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka waxay u coddeeyeen in mudo xileed cusub la siiyo howlgalkaas.

"Howlgalka Qaramada Midoobay hoos-yimaada ee Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu ka shaqeynayaan nidaam ay Soomaaliya leedahay oo ay ku sugeyso ammaankeeda kuna horumareyso," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

AISOM oo ka kooban 20-kun askari dhulka ah ayaa badankooda waxay kasoo kala jeedaan wadamadda Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi iyo Djibouti.

Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone ayaa ah lix dal kale oo ku tabarucay ciidamadda booliska ee taliska nabad-ilaalinta qeybta ka ah.

AMISOM oo dowladda Soomaliya ka taageera ciribtirka Al-Shabaab ayaa muddo xileedkiisa uu dhamaanayey sanadkan waxaana qorshuhu ahaa in mas'uuliyada la wareegaan ciidan Soomaali ah taas oo muuqata in aysan dhici karin.

Xilli howlgalkan uu in ka badan tobban sano ka jiro Soomaaliya, haddana guulaha la taaban karo ee ay kasoo hooyeen la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah ayaa u muuqaneysa mid gaabis ah taasoo guux ka dhalisay gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM