Muhaajiriinta sharci darrada ku gala UK oo Rwanda la geyn doono

Image
Heshiiskan ayaa waxay dowladda UK ku bixineysaa aduun lacageed oo gaaraya $157 milyan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in dadka magangalyo doonka aha ee kasoo gudba marin biyoodka u dhaxeeya iyaga iyo Faransiiska ee loo yaqaan The Channel ay u diri doonto dalka Rwandi ee bariga Afrika.

Heshiiskan oo lagu dhawaaqay maanta oo khamiis ah ayaa durbaba horseeday carada siyaasiyiinta mucaaradka oo ku eedeeyey Raysal Wasaaraa dalka, Boris Johnson inuu bulshada ku mashquulinayo isagoo doonaya in uu dareenka dadka uga weeciyo ganaaxii lagu soo oogay ka dib markii uu jebiyey xeerarka xayiraadaha COVID-19.

Hay’adaha xuquuqul insaanka u dooda ayaa mashruucan ku tilmaamay “mid bini’aadannimada ka baxsan”.  Boris Johnson ayaa maanta galinka danbe la filayaa in uu sharaxaad ka bixiyo qorshahan, waxaana xusid mudan waxyaabihii uu balanqaaday waqtigiisi ololaha doorashada ay ka mid ahayd wax ka qabashada muhaajiriinta sida sharci darrradda kusoo gala dalka balse taasi badalkeeda waxaa sare u kacay dadka soo galootiga intii uu xilka haaye.

Wadamada Rwanda iyo Ghana ayaa mar sii horeysay lagu sheegay labada dal oo ay suurtagal tahay in la geeyo dadka la celinayo inta kiisaskooda laga eegayo, balse Ghana ayaa bishii Janaayo ee sanadkan beenisay inay ku lug leedahay mashruucaas.

Dhinaca kale war kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Rwanda ayaa lagu sheegay in heshiis malaayiin doolar ku kacaya ay la gashay dowladda Ingiriiska.

“Rwanda waxay soo dhoweyneysaa iskaashigan ay la sameysay UK si ay u martigeliso dadka magangalyo doonka ah iyo muhaajiriinta, una fududeyso waddo sharci ah oo ay ku helaan deganaansho,” waxaa sidaas war saxaafadeed ku yiri wasiirka arrimaha dibedda Rwanda, Vincent Biruta. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xoghaya arrimaha gudaha Britain, Priti Patel ay booqasho ku joogto dalka Rwanda.

Heshiiskan ayaa waxay dowladda UK ku bixineysaa aduun lacageed oo gaaraya $157 milyan, iyagoo sheegay in dadka muhaajiriinta ah ee la geynayo Rwanda lagu dhex dari doono bulshooyinka dalkaas.

“Waa in la xaqiijiyo in dadka la ilaaliyo, la xushmeeyo islamarkaana la xoojiyo hadafyadooda shaqsi, degenaansho rasmi ahna ay ka helaan Rwanda haddii ay doortaan,” ayuu yiri Biruta.

Agaasimaha hay’adda Refugee Action, Tim Naor ayaa dowladda ku eedeeyey in masuuliyadeeda ay u wareejineyso mid ka mid ah dalalkii ay gumeysan jirtay intii ay sameyn laheyd wixii caawin ah ee kaga aadan dadka dunida ku beylahsan.

Xoghayaha caafimaadka Scotland, Humza Yousaf ayaa sheegay in qorshahan uu xisbiga Conservative-ka ku dhaqmayo uu muujinayo “nidaam cunsurinimo ah.”

Humza ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay in ay magangalyo dhammeystiran siineyso qaxootiga kasoo cararaya dagaalka Ukraine balse ay dooneyso in ay kuwa kale ee iyana magangalyo doonka ah u dirto dalka aadka nooga fog ee Rwanda si halkaas kiisaskooda loogu baaro.
Tilaabadan ayaa waxey saameen doontaa kumanaan Soomaali ah oo ka mid ah dadka sida sharci darrada ku galay Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM