Mukhtaar Roobow oo laga saarayo xabsiga sirdoonka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay qorsheyneyso in Mukhtaar Roobow [Abuu Mansuur] ay ka saarto xabsiga hay'adda sirdoonka.

Abuu Mansuur, ku xigeenkii hore ee xoogaga Al-Shabaab marna soo noqday afhayeenka dagaalameyaashaasi hubeysan, ayaa la sheegayaa in la dhigayo xabsi gurri.

Qorshaha xukuumadda oo ay ka fal-celiyeen xubnaha u olaleynaya sii deynta Roobow ayaa waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin talaabadaasi ay dowladda qaadeyso.

Sidda ay kasoo xigtay warbaahinta, waxay ku doodayaan in tani ay u sahleyso Al-Shabaab weeraro qorsheysan oo ay ku khaarijinayaa mid kamid ah raggii bud-dhiga u ahaa.

Shaqsiyaadkan oo siyaabo kala duwan uga hadlay saxaafadda maxaliga ah ee Soomaaliya ayaa waxay mar kale ku celiyeen dalabkooda ahaa in lasii daayo Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa bishii December sanadkii hore laga soo xiray magaaadda Baydhabo, talaabo u muuqatay in looga horjoogsanayay ka qaybgalka doorashada Koonfur Galbeed.

Muddo todoba bilood ah oo uu xabsi ku jiro, Roobow wali wax dambi ah laguma soo oogin ama maba jiro mas'uul dowladood oo arrintan si fahfaahsan uga hadlay.

Bishii August 2017-kii ayay ahayd markii Roobow uu si rasmi ah uga soo goostay Al-Shabaab iskuna soo dhiibay dowladda federaalka oo uu sheegay inuu wada hadalo la gelayo.

Kahor, wuxuu muddo ka badan shan sano uu ku sugnaa degaanka Abal ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu ku haystay ciidamo daacad ah oo kala soo baxay Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM