Muqdisho: Askari dil loogu xukumay toogashadda Bajaajle

Image
Dilkaasi ayaa August, 2019 wuxuu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan Tarabuunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Maxamuud Dhiblaawe ayaa loo haystaa Dilka Marxuum Maxamed Cawil Jaamac uu u dilay August 2019, Dilkaasi oo ka dhacay Hodan gaar ahaan Tarabuunka.

Kadib dilkii uu gaystay Xasan waxa uu isaga baxsaday guud ahaan goobaha dowladda, waxaana isla bil kadib September 2019 ay Maxkamadda Ciidamada Waaran soo Qabasha ah u jartay eedeysanaha, Amarka soo Qabashada ayaa lagu socodsiiyay fadhiyadii uu ka tirsanaa iyo cid kasta ee ay qosayso Kiiskan.

Ciidamada Boliika gaar ahaan laanta Dambi baarista CID ayaa ku soo wareejisay Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 18-kii December Sanadkii tegay kadib markii uu u soo Gacan galay bilowgii Bishaas.

Wixii intaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay isku aadinta Natiijada hay’adaha Baarista iyo Is waafajinta kaalinta kaga aadan ee Horgeynta Maxkamadda Ciidamada, Xafiiska ayaana Codsaday in la mudeeyo dhegysiga Dacwadda ka dhanka ah Eedeysanaha billowgii Janaury Sanadkan.

Maxkamadda ayaa mudaysay dhegeysiga kama dambaysta ah ee kiiskan 25-ka bishii ina dhaaftay. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Qiraalka Eedeysanaha, Sedax marag, Baarihii Kiiska, Xaanshida Dhimashada Marxuumka iyo oo ay u dheertahay Waaran uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ka Codsaday Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida soo Qabashada Eedeysanaha September 2019-kii.

Maragyadii goobjoogga u ahaa kiiskan waxa ay sheegeen Marxuumka oo Bajaajla ahaa isla markaana iska xaraynayay mootadiisa maadaama ay xilli dambe ahayd uu sababsaday Xabad uu Riday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo xilligaasi Maqaaxi lagu Qayilo ka baxay.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo ka tirsan Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda hor keenay Eed kale oo ah in Eedeysane Xasan Maxamuud Dhiblaawe uu iibsaday AK47 oo ah Hantidii Qaranka ee lagu aaminay taasi uu eedeysanaha Maxkamadda ka hor Qirtay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto oo ay Maxkamadda U fiiriso Sifaalaha Dambiga Fududeeyo Maadaama Uu Qiraal-yahay Eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn maanta go’aan ka soo saartay waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe Dil-Toogasha ah oo Qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada Dacwadda u Sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin. Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Maxkamada Ciidamada Soomaaliya

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM