Muqdisho oo laga dejiyey askar lagu soo tababaray Turkey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxay garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyeen cutubyo ka tirsan ururka 7aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay Dalka Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Bixii ayaa Sheegay in DFS ay dadaal galisay Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka  isagoo kaga mahadceliyay Masuuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga go’antahay horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in hanaanka qoridda kumaandooska gorgor si aad ah looga baaraan dagay islamarkaana ay yihiin Ciidan qaran oo dadka, dalka iyo diinta in ay difaacan loo dhaariyay loona carbiyay.

Waxa uu sheegay Wasiir Xasan Xuseen in Wasaaradda Difaaca oo ka duuleysa tayeynta Ciidanka XDS dib-u-habeyn balaaran ay ku sameysay Ciidanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa hore ugu guuleysatay tira-koobka Ciidanka Xoogga, waxaana socda dadaalo Xoogan  oo Ciidanka Xoogga ay ku wiiqayaan argagixisadda.

Wasaarada Difaaca

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM